Puntland oo dil iyo xabsi ku ridday dhallinyaro ka tirsan Al-Shabaab

0
451

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowlad gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa xukun ku ridday shabakad ku eedaysan in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Shabakaddan oo ka kooban lix xubnood, ayaa afar ka mid ah lagu xukumay dil toogasho ah, halka labada kalena lagu ridday xabsiyo kala duwan.
Farxaan Faysal Salaad, Cabdullaahi Faysal Xuseen, Barkhad Cawil Xirsi iyo Liibaan Aadan Muuse ayaa Maxkamaddu ku xukuntay dil toogasho ah.
Sidoo kale, Cabdiqani Farxaan Cabdullaahi ayaa Maxkamaddu ku xukuntay 30 sano oo Xabsi ah, halka Cabdiraxmaan Cawil Maxamed, lagu xukumay 20 sano oo xabsi ah.
Maxkamadda ayaa sheegtay in shabakaddaas ay qaraxyo iyo dilal qorshaysan ka fulin jirtay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.