War ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa si adag loogu cambaareeyay weerarkii ay Al-Shabaab shalay ku qaaday degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Waxay falkaasi ku tilmaantay mid wuxushnimo oo arxaan darro ah oo si toos u beegsanaya shacabka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha difaaca dalka u taagan.
Puntland waxay sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku naf waayay weerarkaasi, iyadoo ammaantay halganka iyo geesinimada ciidamada ku sugnaa Maxaas.
Sidoo kale ,Puntland waxay si gaar ah u bogaadisay doorka ay qaateen ciidamada deegaanka ee iska caabiyay weerarka, in kasta oo ugu dambeyn ay dib uga gurteen magaalada.
War-saxaafadeedka maamulka Puntland waxaa lagu yidhi
“Si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah, waxaa lagama maarmaan ah in beesha caalamka ay si dhab ah u garab istaagto dadaallada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad-goboleedyada.”
Puntland waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in xaaladda amni ee ka sii daraysa ee gobollada dhexe ay u baahan tahay iskaashi dhab ah oo dhex mara dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, si loo helo gorshe mideysan oo lagu wajahayo argagixisada.
Waxay intaasi ku dartay in ay diyaar u tahay in ay doorkeeda qaadato oo gacan ka geysato dadaal kasta oo dalka Soomaaliya looga sifeynayo argagixisada.
Puntland waxay ugu baaqday beesha caalamka in ay si buuxda u garab istaagto dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka, iyagoo siinaya taageero muuqata oo dhanka amniga iyo sirdoonka, si loo xoojiyo dagaalka.
Magaaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa ka mid ahayd meelaha saldhigyada istiraatiijiga u ahaa xoogagga Macawiisleyda iyo ciidamada qalabka sida ee dagaalka kula jira Alshabaab.