Poland oo soo riday drones uu leeyahay Ruushka

0
385

Ciidamada Poland iyo kuwa NATO ayaa soo riday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ah ee ku soo xad-gudbay hawada dalkaas intii uu socday weerarka cirka ee Ruushka ay ku qaadeen dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.
Diyaaradaha dagaalka ee Poland iyo NATO ayaa subaxnimadii hore ee saaka soo riday in ka badan 12 diyaaradood oo aan duuliyaha lahayn kuwaas oo ku soo xad gudbay hawada Poland, sida uu sheegay militariga Poland.
Tani ayaa ah markii ugu horeysay oo ay diyaaradaha dagaalka ee Poland iyo NATO ay si toos ah u soo farageliyaan dagaalka Kyiv.
Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine ayaa Arbacada maanta ah sheegay in dhacdooyinkani ay muujinayaan isla xisaabtan la’aanta Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin iyo ballaarinta dagaalka, iyo in xukuumadda Moscow ay tijaabinayso rabitaanka reer galbeedka si ay uga jawaabaan gardarrada Putin.