Poland oo ciidamo gaynaysa xadka ay la wadaagto Belarus

0
353

Dowladda Poland ayaa qorsheynaysa inay 10,000 oo ciidamo dheeraad ah ay gayso xadka wadankaasi uu la wadaago Belarus.
Wasiirka gaashaandhigga ee Poland ,Mariusz Blaszczak ayaa sheegay in 4,000 oo ka mid ah saraakiishan militari ay la shaqeyn doonaan ciidamada ilaalada xuduudda halka 6,000 ay keyd yihiin.
Wasiirka oo wareysi siinayay idaacad maxalli ah ayaa hoosta ka xarriiqay inay militariga ka howlgelinayaan xadka Belarus si aan loogu dhiirran weerar daandaansi ah.
Poland ayaa walaac amni muujinaysay tan iyo markii bishii hore boqolaal ka mid ah ciidamada militariga gaarka ah ee Wagner Group ee Ruushka ay soo gaareen dalka Belarus oo daris la ah.
Sidoo kale dowladda dalka Poland ayaa sheegtay in bilooyinkii ugu dambeeyay ay korortay tirada dadka soo galootiga ah iyo qaxootiga ka soo jeedo Bariga Dhexe iyo qaaradda Afrika ee isku dayaya inay xuduudda gudbaan.
Madaxa ciidamada ilaalada soodhinta Poland ,Tomasz Praga ayaa horraantii toddobaadkan sheegay in 19,000 oo qof oo aan wax dokumeenti ah sidan ay sanadkan gudihiisa isku dayeen inay ka gudbaan xadka waddamada dariska ah ee Poland iyo Belarus .
Tiradan ayaa sanadkii hore lagu sheegay 16,000 oo qof.