Poland oo aan hadda ka dib hub siin doonibn Ukraine

0
246

Ra’iisul Wasaaraha dalka Poland , Mateusz Morawiecki ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya aynan xukuumadiisa hub siin doonin Ukraine.
Tani ayuu u aaneeyay xiisadda Ukraine kala dhexeysa Poland ee salka ku haysa dhoofinta qamaddiga.
Poland ayaa Ukraine taageeraysay tan iyo markii uu Ruushku duullaanka militari ku qaaday.
Sidoo kale dowladda dalkaasi ayaa marti gelisay ilaa hal milyan oo ah qaxooti dhalasho ahaan ka soo jeedo Ukraine.
Hasa ahaate hadalka Morawiecki ayaa laga dheehan karaa in xiriirka wanaagsan ee labada dowladood uu isbeddeli doono.