Poland oo 500 oo booliis ah gaynaysa xadka ay la wadaagto Belarus

0
338

Dowladda dalka Poland ayaa sheegtay in xadka ay la wadaagto wadanka dariska la ah ee Belarus la geynaya 500 oo ka mid ah saraakiisha booliiska.
Tallaabadan ayaa lagu xoojinaya ammaanka xadka ka dib markii shalay 187 qof ay isku dayeen inay u gudbaan dhanka Poland.
Waxaa ciidamada dheeraadka ah ee halkaasi la geynaya barta Twitter-ka ku shaaciyey wasiirka arrimaha gudaha ee Poland ,Mariusz Kaminski.
Saraakiisha booliiska ayaa ku biiraya 5,000 oo ah ciidamada ilaalada xuduudda iyo 2,000 oo ah militariga oo ku sugan soodhinta u dhexeysa labada dal.