PKK oo ku dhawaaqday hub dhigis

0
358

Xisbiga shaqaalaha Kurdistan, ama PKK, ayaa ku dhawaaqday in ay qorsheynayaan in la kala diro kooxda sido kale hub dhigis la sameeyo, tallaabadaas ayaa soo afjari doonto colaadda tobannaan sano ka jirtay Turkiga.
Talaabadan ayaa waxaa Isniinta maanta ah ku dhawaaqday wakaaladda wararka ee Firat oo ah warbaahin aad ugu dhow kooxda.
Qayb ka mid ah hindisaha nabadeed ee cusub ee Ankara loogu talagalay in lagu soo afjaro rabshado socday afartan sano, qorshaha lagu kala dirayo kooxdaas ayaa imaanaya maalmo kadib markii PKK ay shirweyne xisbi ku qabatay waqooyiga dalka Ciraaq.