Waxaa dacwad argagixisannimo lagu soo oogay madaxa kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie.
Tani ayaa timid ka dib markii ugu yaraan 400 oo ruux ay geeriyoodeen ka dib markii uu ka dhaadhiciyay inay cuntada iyo biyaha ka afxirtaan si ay ula kulmaan nabi ciise.
Waxaa maxkamadda lala soo taagay 94 eedeysanayaal oo kale oo dhammaantood iska fogeeyay dacwadda xagjireynta.
Waxay ka soo hormuuqdeen garsooraha maxkamadda Shanzu ,Joe Omido oo amray in eedeysanayaasha rumaan lagu hayo ilaa 6-da bisha labaad ee sanadkan.
Waxaa xilligaasi la dhageysan doonaa dacwad racfaan ah.
429 meydad ah ayaa horay looga helay xabaal wadareedyo lagu arkay keynta Shakahola ee ismaamulka Kilifi waxaana la rumeysan yahay in dadkan ay yihiin kuwii taabacsanaa kaniisadda baadarigan oo la dhacay inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa ay ka geeriyoodaan.




