Pakistan:Booliska waxay fashiliyeen weerar ka dhan ahaa Shiinees

0
437

Booliska dalka Pakistan ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inay fashiliyeen weerar ismiidamin ahaa oo la doonayay in lagu bartilmaameedsado muwaadiniin u dhashay wadanka Shiinaha.
Bayaanka waxaa ku cad in ciidamada ay gacanta ku dhigeen nin looga shakiyay inuu isku qarxin rabay meel u dhow kolonyo baabuur oo siday muwaadiniinta Shiineeska oo marayay marinka dhaqaale ee (CPEC).
Tani ayaa ku soo aadaysa labo toddobaad un ka dib markii ay haweeney isa soo miidaamisay isku qarxisay jaamacad ku taalla magaala xeebeedda koonfureed ee Karachi.
Waxaa falkaasi ku nafwaayay saddex bare oo u dhashay Shiinaha iyo darawalkoodi oo Pakistani ahaa.