Pakistan oo laga xaqiijiyay kiiskii ugu horreeyay ee Monkeypox

0
302

Maamullada caafimaadka ee dalka Pakistan ayaa xaqiijiyay xaaladdii ugu horreysay ee caabuqa mpox oo horay loo yaqaanay monkeypox.
Xanuunkan oo ah mid faafa ayaa laga helay qof 25 sano jir ah oo dhawaan yimid magaalada Islamabad ka dib markii uu ka soo laabtay Sacuudi Carabiya.
Sajid Shah oo ah sarkaal caafimaad ayaa sheegay in bukaanka la karantiilay oo hadda la raadinaya cid kasta oo ay suurtagal tahay inuu la macaamilay.