Oparanya oo hoggaamin doono ololaha Azimio ee galbeedka dalka

0
566

Madaxa xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio-One Kenya Raila Odinga ayaa barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya u xilsaaray inuu hoggaamiyo ololaha siyaasadeed ee isbeheysiga ee gobolka galbeedka wadanka.
Raila ayaa go’aankan shaaciyay ka dib kulan madaxda gobolkaasi ay ku yeesheen maqaaxida Serena ee magaalada Nairobi.
Mr.Oparanya oo sidoo kale ka mid ah ku xigeennada madaxa xisbiga ODM ayaa hoggaamin doono istaratiijiyooyinka lagu xaqiijinaya in gobolka galbeedka dalka oo ay codbixiyeyaal badan ku nool yihiin uu siyaasad ahaan si buuxda u taageero musharraxnimada Mr. Odinga.
Barasaabka Kakamega ayaa qoraal u sheegay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay sidii Raila uu halkaasi uga heli lahaa codad badan oo u suurtagelin karo inuu 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ku guulaysto hoggaanka ugu sarreeya wadanka.