Omwanza Ombati oo loo dhaariyay ka mid ahaanshaha guddiga JSC

0
337

Waxaa maanta xilkiisa loo dhaariyay Omwanza Ombati oo ka mid noqonaya saraakiisha sare ee guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC.
Waxaa uu matali doonaa ururka qareennada wadanka ee LSK.
Ombati ayaa lagu dhaariyay munaasabad ay guddoominaysay madaxa waaxda cadaaladda ee dalka garsoore Martha Koome.
Waxaa uu beddelay Macharia Njeru oo uu muddo xileekiisa xubbinnimo ee JSC uu ku ekaa shalay.
Ombati ayaa JSC xubin ka ahaan doono muddo 5 sano ah wuxuuna ururka qareennada ee LSK uga mahadceliyay in isaga la soo xushay.
Waxaa uu ballan qaaday inuu xaqiijin doono in JSC ay tixgeliso danaha garyaqaannada wadanka.
Omwanza ayaa jagadan loo doortay bishii Labaad ee sanadkan xilligaasi oo ay qabsoomeen doorashooyinka ururka LSK.