Ole Kina oo cambaareeyay hadal dhawaan ka soo yeeray Ducaale

0
246

Senetarka laga soo doortay ismaamulka Narok Ledama Olekina ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirka caafimaadka Aadan Ducaale ka dib markii uu ka dhawaajiyay in gobolka Mt Kenya uu isu arko inuu ka sareysa gobollada kale ee dalka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X Isniinta maanta ah ayuu senetarka waxaa uu xasuusiyay Ducaale in uu yahay wasiir matalo dalka oo dhan uuna u dhaqmi karin sida qof siyaasi ah.
Ledama ayaa waxaa uu tilmaamay in madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua xilka lagaga xayuubiyey hadalo la mid ah.
Senator-ka Narok ayaa sheegay in Wasiir Ducaale uu sidoo kale wajihi karo xil ka qaadis haddii uu ku sii socdo hadalladan.
Isagoo ka hadlayay Sabtidii deegaanka Balambala ee ismaamulka Gaarisa, Ducaale ayaa sheegay in aysan jirin qowmiyad ka sareysa mid kale gud ahaan 42-da qowmiyadood eek u nool dalka isagoo carabka ku adkeeyay in dastuurka uu dammaanad qaadayo sinnaanta dhammaan beelaha.
Waxaa uu ku andacoodey in madaxweyne William Ruto si cadaalad darro ah loo bartilmaameedsanayo dadaalka uu ugu jiro mideynta dalka.