Okiya Omtatah oo sheegay in xafiiskiisa la weeraray

0
289

Senatarka ismaamulka Busia kana mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha, Okiya Omtatah ayaa sheegay in koox uu burcadnimo uga shakiyay ay u dhaceen xafiiskiisa.
Falkan ayuu sheegay in habeenkii Axadda soo galeysay laga gaystay xafiiskiisa ku yaalla ismaamulka Busia ee uu ku matalo aqalka sare.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka goobtaasi gudaha u galay ee aan weli la aqoonsan ay qaateen agabyo elektoroonik ah.
Omtatah ayaa xusay inuu dhacdadaasi ku wargeliyay saraakiisha booliiska balse aynan qaadin tallaabo falcelin ah.
Senatarka ayaa hoggaaminaya dacwad looga soo horjeedo ansixintii xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023 oo ay dhaqangelintiisu hakisay maxkamadda sare ee dalka.
Waxaa xeerkan qayb ka ah in canshuurta laga qaado shidaalka oo horay ahayd boqolkiiba 8 in laga dhigay boqolkiiba 16.