OIC oo cambaareysay hadallo uu jeediyay Netanyahu

0
668

Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa ku biiray cambaareynta hadalladii uu dhawaan jeediyay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, oo uu ku sheegay inuu ku xiran yahay aragtida ah “Israa’iil Weyn”.
Ururkan dowladaha iskaashiga ah ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in hadallada hoggaamiyaha Israa’iil ay yihiin “sii wadidda hadallo xagjirnimo, kicin, gardarro iyo iska indhatirid madax-bannaanida dalalka kale”, isagoo intaas ku daray in arrintaasi ay ka hor imanayso mabaadi’da sharciga caalamiga ah.
Netanyahu waxaa hadalladiisa si adag u cambaareeyay dalal ay ka mid yihiin Sacuudi Carabiya, Qatar, Urdun, iyo Yemen, iyo sidoo kale Ururka Jaamacadda Carabta, kadib markii uu wareysi siiyay kanaal warbaahineed Israa’iili ah Talaadadii, isagoo sheegay inuu si weyn ugu xiran yahay aragtida “Israa’iil Weyn” isla markaana uu isagu u arko naftiisa inuu ku jiro “hawl taariikhi ah iyo mid ruuxi ah”.