ODM oo xaqiijisay in ay is casileen xubnaha ku biiray golaha wasiirrada

0
276

Xoghayaha Guud ee xisbiga mucaaradka ee ODM Edwin Sifuna ayaa xaqiijiyay in ay warqadaha iscasilaadda gudbiyeen afar ka mid ahaa mas’uuliyiinta xisbiga oo dhawaan uu madaxweynaha dalka William Ruto ku soo daray golihiisa wasiirrada.
Shakhsiyaadkan ayaa kala ah John Mbadi, Cali Xasan Joho,Wycliffe Oparanya iyo Opiyo Wandayi .
Sifuna ayaa hoosta ka xarriiqay in ay siyaasiyiintan u rajeynayaan in ay sida habboon ugu adeegaan qaranka.
Hasa ahaate waxaa uu mar kale cadeeyay in tani aynan micnaheedu ahayn in ODM ay ku biirtay maamulka talada waddanka haya ee Kenya Kwanza.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay is casishay Beatrice Askul Moe oo xubin ka ahayd guddiga arrimaha doorashooyinka ee ODM.
Madaxweyne William Ruto ayaa Beatrice u magacaabay wasiiradda wasaaradda arrimaha jaaliyadda bariga Afrika ee EAC iyo horumarinta gobollada.