Hoggaamiyayaasha xisbiga Orange Democratic Movement ee ODM ayaa ku adkaystay inay la sii shaqan doonaan madaxweyne Ruto illa 2027-ka iyadoo ay jiraan warar sheegaya kala qaybsanaan ka dhex jirta kooxda siyaasadeed.
Isagoo hadlayay ka dib kulan ay yesheen Guddiga Maamulka Dhexe ee xisbiga, Xoghayaha Guud ee ODM Edwin Sifuna ayaa xusay in xisbiga uu taageeri doono baaqii Raila Odinga ee ahaa qaran mideysan isla markaana uu ixtiraami doono ballanqaadkiisa ah inuu la shaqeeyo dowladda.
Waxaa uu sidoo kale meesha ka saaray wararka sheegaya in xisbiga uu la dagaallamayo kala qaybsanaanta gudaha, isagoo sheegay in midnimada gudaha xisbiga ay tahay mudnaanta koowaad ayna sii wadi doonto inay ka ciyaarto doorkeeda ah u halganka baahida dadka.
Sifuna ayaa waxaa uu intaas ku daray in Guddiga Maamulka Dhexe ee xisbiga uu sidoo kale go’aansaday inuu qabto xaflado xus ah oo ka dhacaya qaybo kala duwan oo dalka ah iyagoo u baroordiiqaya hoggaamiyihii ODM ee geeriyooday ee Mr. Odinga.




