Xisbiga ODM ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ayaa shaaciyay inay jiraan xilal uu doonayo in si magacaabid ah loo buuxiyo oo ka bannaan baarlamaanka , aqalka sare iyo dhammaan golayaasha hoose ee 47-da dowlad deegaan.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee ODM Catherine Mumma ayaa bayaan ku sheegtay in shakhsiyaadka doonaya inay helaan fursadda magacaabidda ee xisbiga si ay golayaashan ugu biiraan ay codsiyo dirsan karaan laga billaabo maanta ilaa 6-da bisha Shanaad ee May.
Lacagta laga qaadaya shakshiyaadka codsiyadan diraya ayaa ah 5, 000 oo shilin waxayna matali doonaan dhallinyarada, haweenka , shaqaalaha iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.