ODM oo ka soo horjeesatay hadal uu jeediyay xildhibaanka Fafi

0
325

Siyaasiyiinta isbeheysiga Azimio La Umoja- One Kenya ayaa dhaliilay hadal uu dhawaan jeediyay xildhibaanka deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa Saalax Yaaquub.
Mudanaha ayaa hoosta ka xarriiqay in isaga iyo siyaasiyiin kale ay qorsheynayaan inay baarlamaanka u gudbiyaan isbeddel meesha looga saaraya xaddidaada muddo xileedka madaxweynaha wadanka oo 10 sano ah.
Saalax ayaa ku doodaya in loo baahan yahay in xaddidaada lagu saleeyo da’da qofka oo ilaa iyo inta uu ka gaaraya 75 sano uu marar badan isku soo sharixi karo hoggaanka wadanka.
Hasa ahaate madaxa siyaasiyiinta laga tirada badan yahay ee baarlamaanka Opiyo Wandayi iyo Junet Maxamad oo Azimio u qaabilsan dhanka nidaamka iyo kala dambeynta ayaa sheegay in hadalka mudanaha uu yahay mid maamulka talada haya ee Kenyaanka ku tijaabinaya sida ay arrintan uga falcelinayaan.
Shalay ayay ahayd markii xisbiga madaxweynaha dalka William Ruto ee UDA uu arrintan iska fogeeyay oo uu sheegay inuu yahay fikir ku kooban mudanaha Fafi.