ODM oo ganaax lacageed saartay wakiilka haweenka ee Nairobi

0
216

Xisbiga ODM ayaa wakiilka haweenka ee ismaamulka Nairobi Esther Passaris saaraya ganax lacageed oo dhan 250,000 oo shilin.
Tani ayaa loo aaneeyay inay baal martay mowqifkii xisbiga ee ka dhanka ahaa hindise maaliyadeedkii uu baarlamaanka ansixiyey.
Waxaa Passaris loo haystaa inay xilligaasi la safatay dhanka dowladda talada haysa oo ay codkeeda ku taageertay qorshihii Kenya Kwanza iyadoo xubin ka ah isbeheysiga mucaaradka ee Azimio.
Waxaa wakiilka haweenka ee Nairobi ganaaxay guddiga qaran ee fulinta ee ODM (NEC).
Passaris ayaa laga doonaya inay lacagtan ku bixiso muddo labo bilood gudaheeda ah.
Sidoo kale guddoomiyaha ODM John Mbadi ayaa sheegay in Esther Passaris laga doonaya inay toddobaad gudihiisa ku soo gudbiso raaligelin qoraal ah.