ODM oo beenisay sheegashada ah in Raila uu xanuunsan yahay

0
104

Xisbiga ODM ayaa beeniyay sheegashada ah in hoggaamiyaha xisbiga Raila Odinga uu xanuun san yahay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xaaladiisa caafimaad ay ka sii darayso.
Bayaan uu soo saaray subaxnimadii saaka ayuu xafiiska Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka ku caddeeyay in inkastoo Raila uu Jimcihii dalka ka dhoofay, haddana uusan u safrin Yurub si loo dabiibo sida ay sheegeen qaar ka mid ah warbaahinta.
Si kastaba ha ahaatee, ma cadda halka uu u dhoofay Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka, inkastoo uu ku adkeystay in haddii uu xanuunsan lahaa la soo xiriiri lahaa shacabka, sidii horay loo sameyn jiray.
Bayaanka, ODM ayaa waxaa lagu eedayay Mucaaradka Midowday, oo uu hoggaamiyo Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua, inay bilaabeen xanta aan sal iyo raadka lahayn ee dano siyaasadeed ah.
Labadii toddobaad ee la soo dhaafay, Raila oo bilihii u dambeeyay xulufo la ahaa Madaxweyne William Ruto, ayaa laga waayay indhaha shacabka, taasoo dhalisay walaac ku aadan halka uu ku sugan yahay.