Odayaasha Mandheera oo wado olale nabadeed oo lagu midaynaayo beelaha Garre iyo Degoodia oo dagaalo dhex maray

0
377

Odayaasha bulshada ee Mandheera ayaa ku booriyay boqolaal qoys oo ka barakacay isku dhacyada qabiillada ee ka dhacay deegaanka Galbeedka Mandheera inay guryahooda ku soo laabtaan, iyadoo ay wadaan olale nabadeed oo lagu soo celinaayo kalsoonida iyo dib u heshiisiinta bulshooyinka Garre iyo Degodia.
Olalahan, oo ay taageerto Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) iyada oo loo marayo KOICA oo ay hirgelisay RACIDA iyada oo kaashanaysa Waaxda Nabadda iyo Wadajirka ee dowladda ismaamulka Mandheera, ayaa afar maalmood ka hor ka bilowday magaalada Wargadud. Hadafka olalaha ayaa ah in la dhameeyo kala qaybsanaanta, dib u dejinta qoysaska barakacay, iyo dib u dhiska xiriirka bulshada oo ay burburiyeen biloyin rabshado qowmiyadeed ah.
Yunis Sheekh oo ka mid ah odayaasha beesha Garre ayaa ku boorriyay dowladda qaranka iyo tan hoose ee Mandheera inay caawiyaan qoysaska soo laabanaya iyagoo dib u habaynaya kaabayaasha muhiimka ah, oo ay ku jiraan nidaamyada biyaha ee burburay intii lagu jiray colaadda.
Isagoo matalaya bulshada Degodia, Maxamed Xaaji Daahir ayaa ku celceliyay baaqii qoysaska barakacay inay soo laabtaan waxaa uuna ku nuuxnuuxsaday muhiimadda gargaarka bani’aadamnimada si loo taageero dadaallada dib u dhiska.
Safarka socda ayaa waxaa uu daba socdaa heshiis nabadeed oo taariikhi ah oo la saxiixay laba bilood ka hor ka dib wadahadal guul leh oo dhexmaray wakiillada Garre iyo Degodia oo ka dhacay Hoteelka Granada ee magaalada Mandheera. Wadahadallada ayaa waxaa fududeeyay waaxda nabadda iyo isku xirnaanta Mandheera iyadoo taageero ka heleysa la howlgalayaasha deeq bixiyeyaasha.
Odayaasha bulshada iyo hoggaamiyeyaasha diinta ayaa booqday tuulada Qurdhub oo cidlo ahayd sababo la xiriira iskahorimaadyada qabiillada.
Wadahadallada ayaa waxaa ay soo saareen khariidad dib u heshiisiin ah, taas oo hadda lagu fulinayo howlo nabad dhis ah oo heer bulsho ah.
Sida laga soo xigtay waaxda nabadda ee ismaamulka, hindisahan ayaa waxaa uu higsanayaa “xoojinta kalsoonida, kobcinta wadahadalka, iyo kor u qaadidda nabadda waarta ee bulshooyinka taasoo u gogol xaaraysa Galbeedka Mandheera oo midaysan oo ammaan ah.”
Xubnaha bulshada ee la shaqeeyay safarka nabadda ayaa muujiyay rajo wanaagsan waxaa ayna ballanqaadeen inay taageerayaan hindisaha nabadda ee socda.