Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna maamuusayay xuska dhaqanka ayaay madaxda iyo odayaal ka kala yimid gobollada dalka waxaa ay in ka badan 100 neef oo dibi ah ku guddonsiyeen Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga taasoo ka dhacday Beertooda Opoda ee magaalada Bondo ee ismaamulka Siaya.
Tilmaamaha ayaa astaan u ahaa ixtiraam, tacsi, midnimo, iyo qaddarinta adeegga nolosha ee Raila.
Sabtidii, wufuud ay hogaaminayaan odayaal iyo waxgarad ka soo jeeda beelaha kala duwan ee dalka ayaa hadhimo sharafeed u sameeyay Raa’iisul Wasaarihii hore ee dalka, iyagoo ku sifeeyay inuu ahaa nin jeclaa nabadda iyo horumarka dalka.
Hoggaamiyayaasha gaaray beerta reer Odinga ayaa waxaa horkacaayay madaxa golaha wasiiradda ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo qurba joogta Musalia Mudavadi oo matalaayay 5-ta ismaamul ee gobolka Galbeedka dalka.
Beesha Sakwa ee Kakamega ayaa waxaa 15 dibi ka gaarsiiyay qoyska Raila barasaabka dowlad deegaanka Kakamega Fernandes Barasa.
Waxaa sidoo kale hadhimo sharafta beeshooda keenay Eugene Wamalwa hoggaamiyaha xisbiga DAP-K iyo guddoomiyaha ismaamulka Trans Nzoia George Natembeya.
Barasaabka dowlad deegaanka Busia Paul Otuoma ayaa hoggaaminaya koox kale oo ka socotay ismaamulkiisa si ay ugu soo bandhigaan dhowr neef oo ay wadeen.
Guddoomiyayaasha kala ah Stephen Sang ee Nandi, Wisley Rotich ee Elgeyo Marakwet iyo Benjamin Cheboi ee Baringo oo matalaayay beesha Kalenjin ayaa qoyska Mr. Odinga soo gaarsiiyay 80 neef oo dibi ah taasoo ay sheegeen inay ka tarjumeyso 80-kii sano ee uu noolaa Raa’iisul Wasaare Odinga.




