NYS oo shaqaaleysiin sameynaysa bisha 2-aad iyadoo dadka naafada ah ay qayb ka yihiin

0
235

Waaxda qaran ee adeegga dhallinyarada ee NYS ayaa shaacisay in inta u dhexeysa 5 ilaa 9-ka bisha Labaad ee sanadkan ay howlgelin doonto saraakiil cusub.
Waxay waaxdan ugu baaqday dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo agoonta inay ka qayb qaataan qorista saraakiisha cusub ee ku biireysa NYS.
Dadka naafada ah ayaa sidoo kale lagu boorriyay inay fursaddan ka faa’iideystaan, islamarkaana ay isku diyaariyaan inay tijaabo maraan.
Tani waa markii ugu horreysay ee adeegga NYS uu qorista saraakiisha cusub ka qayb geliyo dadka naafada ah si ay ugu biiraan adeegga qaran ee dhallinyarada.
Qorista saraakiisha cusub ee NYS ayaa laga sameynaya dhammaan deegaannada wadanka.
Waaxda NYS ayaa intaasi ku dartay in kaliya dhallinyarada buundada ‘D’ iyo wixii ka sarreeya ee shahaadada fasalka afaraad ee dugsiyada sare ee KCSE loo oggolaan doono inay soo codsadaan.
Waxaa sidoo kale qofka doonaya inuu ku biiro adeegga qaran ee dhalliyarada ee NYS laga doonaya inuu ahaado muwaadin Kenyaan ah da’diisuna ay u dhexeyso 18 ilaa 24 sano.
NYS ayaa dhanka kale bulshada uga digtay ku lug lahaanshaha falalka wax isdaba marinta ee la xiriira qaabka loogu biiraya adeegga dhallinyarada.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sanadkii hore ballan qaaday inuu xoojin doono awoodda waaxda NYS, islamarkaana uu hubin doono in xubnaha adeeggan la siiyo mudnaanta koowaad ee shaqooyinka dowladda.