NYS oo beenisay in basaskeeda lagu qaaday dad dhibaatooyin gaystay

0
628

Adeegga qaran ee dhallinyarada ee (NYS) ayaa beeniyay in basaskiisa ay adeegsadeen shakhsiyaad Isniintii rabshado ka gaystay magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakuru.
Waxaa xilligaasi loo dabbaal degayay sannadguuradii 35-aad ee ka soo wareegatay Saba Saba oo ah olole isbeddel siyaasadeed lagu doonayay oo dhacay 1990-kii.
Waxay waaxdu sheegtay in warkaasi uu yahay mid been abuur oo shacabka lagu marin habaabinaya sidoo kalena la doonaya in lagu dhaawaco sumcadda adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.