Ciidamada booliiska ee ismaamulka Nyandarua ayaa gacanta ku dhigay labo ruux oo loo haysto ka ganacsiga maandooriyaha.
Shakhsiyaadkan ayaa adeegsanayay baabuur ay taargadiisu tahay KDN 051S.
Waxaa laga soo qabtay aagga Soko Mjinga ee waddada wayn ee xiriirisa ismaamullada Nakuru iyo Nairobi.
Baabuurka ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Magumu iyadoo baaritaanno dheeraad ah oo ay saraakiisha sameeyeen lagu helay xirmooyin dhowr oo xashiish ah.
Tuhmaneyaasha ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ka hor inta aan maxkamadda loo gudbin.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay ka go’an tahay la dagaallanka maandooriyaha wuxuuna shacabka ka codsaday in ay soo gudbiyaan macluumaadka fududeyn karo howlgallada.