Nyamira: Maydka macallin la la’a oo laga helay guriga mid ka mid kalkaaliyayaasha ismaamulkaasi

0
435

Maydka macallin wax ka dhigayay ismaamulka Nyamira oo la waayay 30-kii bishii hore ee Diseembar ayaa laga helay guri uu leeyahay mid ka mid ah kalkaaliyayaasha dowlad deegaankaasi.
Booliiska ayaa sheegay in maydka shakhsigan oo 47 sano jir ah oo gogo’ay laga helay qol lagu qariyay oo ah mid lagu xanaaneeyo digaagga.
Macallinka maydkiisa la helay ayaa magaciisa lagu sheegay Ezekiel Nkeere, kalkaaliyaha ayaana ka howlgala xarunta caafimaadka ee Nyamaiya.
Booliiska ayaa laga soo xigtay inay jabiyeen guriga maydka laga soo helay maadaama mulkiilaha guriga aan meelna lagu sheegin.
Waxaa warbixinta maqnaanshaha macallinka maydkiisa la helay booliiska la wadaagtay xaaskiisa oo sheegtay in markii dad ugu war dambeysay uu joogay tuulada Egesieri ee ismaamulka Nyamira.
Maydka macallinka ayaa la geeyay goobta maydadka la dhigo ee isbitaalka guud ee Nyamira iyadoona booliiska ay baaritaan wadaan.