Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku dhawaaqay 7 cishe oo baroordiiq qaran ah ka dib geeridii ku timid ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Amolo Odinga.
Calanka Kenya ee gudaha waddanka iyo xarumaha dibloomaasiyeed ee dalku uu ku leeyahay dibadda ayaa meel dhexe la gaynaya.
Waxaa uu madaxweynaha hakiyay dhammaan kulamada dadweynaha ee rasmiga ah ee qorsheysnaa sidoo kale dhammaan shaqaalaha dowladda ayuu sidaa ka codsaday.
Waxaa uu shaaciyay in loo sameynaya aas qaran.
Guddi ay guddoomin doonaan madaxweyne ku xigeenka dalka Prof. Kithure Kindiki iyo senatarka Siaya Oburu Odinga ayaa loo xilsaaray qabanqaabada aaska.
Dowladda India ayaa aqbashay in la soo qaado meydka Raila Odinga ka dib codsi ay u dirtay dowladda Kenya.
Wafdi ka kooban mas’uuliyiin dowladeed iyo xubnaha qoyska uu ka baxay Raila Odinga ayaa si degdeg ah ugu safraya India si ay isugu duba ridaan in la soo qaado meydka Mr. Odinga.
Waxaa wafdigan hoggaaminaya madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi , wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Kipchumba Murkomen iyo dhiggiisa Macdanta Cali Xassan Joho.
Madaxweyne Ruto ayaa sheegay in Kenya uu maanta ka baxay aabihii dimuqraadiyadda .