Agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inay racfaan ka qaadan doonaan kiis loo haystay barasaabkii hore ee ismaamulka Nairobi Mike Sonko oo ay shalay maxkamadda go’aan ka soo saartay.
Tani ayaa timid ka dib markii ay maxkamaddu Sonko ka bari yeeshay 13 dacwadood oo la xiriiray musuqmaasuq lagu lunsaday 20 milyan oo shilin.
Sonko iyo ganacsade lala soo eedeyay oo lagu magacaabo Antony Ombok ayay maxkamaddu siidaysay ka dib markii lagu waayay caddeymo wax ku ool ah.
Hasa ahaate Agaasimaha waaxda dacwad oogidda , Nuurdiin Xaaji ayaa xusay inay gudbin doonaan dacwad rafcaan ah oo ay uga soo horjeedaan go’aanka uu soo saaray garsoore Douglas Ogoti .




