Warbaahinta dowladda ee KBC ayaa ku warramaysa in agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji uu meesha ka saaray dacwado ay wajahayeen qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya oo ku eedeysnaa ka qayb galka dibadbaxyada.
Siyaasiyiinta ayaa loo haystay inay sameeyeen dibadbax sharci darro ah oo sababay burbur hantiyadeed.
Waaxda dacwad oogidda oo uu matalaya qareenkeeda ayaa maxkamadda ku wargelisay inay meesha ka saareysa kiisaska ka dhanka ah siyaasiyiinta si fursad loo siiyo wada hadallada dowladda iyo mucaaradka.
Siyaasiyiintan ayaa kala ah xildhibaanka deegaanka Ugunja Opiyo Wandayi, senatarka ismaamulka Kilifi Stewart Madzayo, Xildhibaanka Koonfurta Kilifi Richard Chonga iyo mudanaha deegaanka Malindi Amina Mnyazi.
Garsooraha sare ee maxkamadda Kahawa Law Court Boaz Ombewa ayaa fasaxay siyaasiyiintan.
Waxaa sidoo kale la fasaxay George Yogo Obure iyo Esther Oromi oo iyaga lala soo eedeyay madaxda siyaasadeed.
Qareenkooda oo lagu magacaabo Danstan Omari ayaa dowladda iyo waaxda garsoorka uga mahadceliyay inay meesha ka saartay kiisaskii loo haystay shakhsiyaadkan.
Maalin ka hor ayay ahayd markii madaxa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uu ku baaqay in la soo afjaro dacwadaha ka dhanka ah xubnaha mucaaradka.