Waxaa uu qorshuhu yahay in agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji uu maanta ka soo hormuuqdo guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha difaaca, sirdoonka iyo xiriirka dibadda.
Mudanayaasha ayaa Nuurdiin waydiin doono su’aallo lagu xaqiijinaya inuu u qalmo inuu qabto xilka agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS oo uu u magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ururrada bulshada sida ururka qaran ee hufnaanta ee NIA iyo hay’adda caalamiga ee daahfurnaanta ee Transparency International laanteeda Kenya ay ka soo horjeesteen in Nuurdiin loo magacaabay agaasimaha sirdoonka.
Waxay ku eedeynayaan in 6-dii sano ee uu hoggaaminayay waaxda dacwad oogidda uu meesha ka saaray kiisas culus oo ka dhan ahaa shakhsiyaad magac leh sida madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua iyo wasiiradda jinsiyadda Aisha Jumwa.
Hasa ahaate ururka ay ku mideysan yihiin xildhibaannada baarlamaanka ee laga soo doortay deegaannada xoolo dhaqatada ee PPG ayaa Nuurdiin Xaaji ka difaacay eedeymaha loo jeediyay.
Xildhibaanka deegaanka Saku ee ismaamulka Marsabit Dido Rasso ayaa iskuday waliba oo ku aaddan in Nuurdiin laga hor istaago inuu la wareego xafiiska loo magacaabay ku tilmaamay mid aan lagu guulaysan karin.
Waxaa uu sheegay in ururrada bulshada ay ku howlan yihiin qorsho ay ku dhaawacayaan sumcadda sarkaalkan.
Xildhibaanka ayaa su’aal geliyay sababta eedeymaha hadda loo jeedinaya Nuurdiin Xaaji aanan xilli hore loo soo bandhigin.
Mudanaha deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan Weheliye ayaa dhankiisa sheegay in ciidamada booliiska ay sameeyaan baaritaannada la xiriira dembiyada oo ilaa iyo hadda aan la hayn caddeyn muujinaysa in agaasimaha waaxda dacwad oogidda uunan waajibaadkiisa u gudan sidii laga doonayay.