Nuurdiin Maxamad Yuusuf Xaaji ayaa maanta loo dhaariyay qabashada xilka agaasimaha guud ee adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS.
Xafladda dhaarinta ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi waxaana goob joog ka ahaa madaxweynaha dalka William Ruto , ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua , madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi , wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki, madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei, wasiirka difaaca Aadan Barre Ducaale , madaxa ciidamada gaashaandhigga dalka Francis Ogolla, xeer ilaaliyaha guud Justin Muturi, taliyaha guud ee booliiska dalka Japhet Koome , madaxii hore ee NIS Philip Kameru iyo xubno kale.
Nuudiin Xaaji ayaa ku dhaartay inuu u hoggaansami doono xeerarka dastuuriga ah ee dalka isagoo dhammaan kenyaanka ugu adeegaya si siman oo ka madax bannaan eexasho iyo qof jecleysi.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa dhankiisa sheegay inuu ku kalsoon yahay in Mr. Xaaji uu sida habboon uga soo bixi doono xafiiska loo magacaabay.
Waxaa uu ku boorriyay inuu ku dadaalo sidii uu u sii wanaajin lahaa waxqabadka adeegga sirdoonka ee dalka isagoo adeegsanaya aqoontiisa, khibradiisa si buuxdana ugu hoggaansamaya xeerarka degsan.
William Ruto ayaa Nuurdiin Xaaji u ballanqaaday inuu garab ku siin doono gudashada waajibaadkiisa shaqo.
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in dowladda ay adeegsan doonto falanqeynta dhanka sirdoonka si loola tacaalo caqabadaha heer caalami ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tusaale u soo qaatay in dhibaatooyinka ay dunida wajahaysa ay ka mid yihiin argagixisada , amni darrada , culeysyada dhaqaale iyo isbeddelka cimillada.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay ka go’an tahay xoojinta hay’adaha dastuuriga ah si loo wanaajiyo adeegyada ay u fidiyaan shacabka.
16-kii bishii hore ee May ayay ahayd markii madaxweynaha wadanka uu Nuurdiin u soo magacaabay agaasimaha waaxda sirdoonka.
Guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha gaashaandhigga , sirdoonka iyo xiriirka dibadda ayaa shalay ansixiyay magacaabidda Nuurdiin Xaaji taasoo oo uu ugu dambeyn baarlamaanka meel mariyay.
Xubnaha guddiga ayaa sheegay in turxaan bixin ka dib ay ku qanceen inuu u qalmo jagada loo igmaday maadaama uu leeyahay karti shaqo iyo khibrad muddo dheer oo dhanka sirdoonka ah.
Nuurdiin Xaaji ayaa hadda dib ugu laabanaya NIS oo uu horay uga soo noqday agaasime ku xigeen.
Waxaa uu beddelaya Philip Kameru oo lagu wado inuu howlgab noqdo oo adeegga qaran ee sirdoonka ee NIS hoggaaminayay tan iyo bishii 9-aad ee sanadkii 2014.
Swearing-in of Noordin Haji, Director General, NIS, State House, Nairobi. https://t.co/JpboSZhEO9
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 14, 2023