Nuurdiin Xaaji oo ka war sugaya booliiska si uu uga falceliyo tacaddi haweeney loo gaystay

0
615

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay inuu sugayo in la soo gabagabeeyo baaritaannada ku aaddan xadgudub jinsiyadeed oo dhawaan lagula kacay haweeney baabuur wadday.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in ciidamada booliiska ay hadda baaritaano ku hayaan dhacdadaasi oo laga soo tabiyay waddada Wangari Mathai Road oo horay loo yaqaanay Forest Road ee magaalada Nairobi si ugu dambeyn dacwad loogu soo oogo shakhsiyaadka ku lugta leh.
Mr. Xaaji ayaa si kulul u cambaareeyay falkaasi oo uu ku tilmaamay mid nasiib darroo ah xilli caalamka looga dabbaal degaya maalinta adduunka ee haweenka.
Waxaa uu sheegay in haweenka iyo gabdhaha yaryar ay si la mid ah kenyaanka kale leeyihiin xuquuq dastuuri ah oo aan lagu xadgudbi karin.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda Kenya Nuurdiin Xaaji ayaa dhibka haweeneyda loo gaystay oo muuqaal ku saabsan lagu faafiyay baraha bulshada ku sheegay dhacdo baniaadannimada ka baxsan oo sumcad xumo ah.
Muuqaalka ayaa laga dhex arkayaa qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka oo haweeneyda ku qasbaya inay ka soo degto baabuurka ka dib shil dhacay.
Mr. Xaaji oo habdhaqanka shakhsiyaadkaasi ku tilmaamay mid badowtinnimo laga dheehan karo ayaa dadweynaha uga digay inay ku kacaan falalka noocani ah.