Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay dhaliilaha loo jeediyay ee ah in howlaha shaqaaleysiinta uu ugu eexdo muslimiinta oo ay bulshada soomaalida ka midka tahay.
Bayaan ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in geeddisocodka shaqaaleysiinta uu yahay mid lagu saleeyay dastuurka wadanka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii mid ka mid ah dadka u ololeeya maamul wanaagga uu maxkamadda u gudbiyay dacwad uu ku doonaya in waaxda dacwad oogidda laga hor istaago inay sameyso turxaan bixin maadaama uu ku doodaya in shakhsiyaadka su’aalaha lala yeelanaya aan qaab eexasho ka madax bannaan lagu soo xulan.
Memba Ocharo ayaa ku andacoonaya in Nuurdiin Xaaji uu eexasho sameeyay sidaas awgeedna uu dastuurka ku xadgudbay.
Bayaanka ODPP ayaa tilmaamaya in shakhsiyaadka laga soo xushay dadka codsiyada shaqo soo dirsaday ay yihiin kuwo u qalmo in xilalka kala duwan ee ay doonayaan loo dhiibo.
Madaxa shaqaalaha ee xafiiska waaxda dacwad oogidda Lilian Obuo ayaa hoosta ka xarriiqday in nidaamka howlgelinta saraakiisha aan lagu saleynin diinta uu qofka haysto.
Qoraalka waxaa ku cad in xilalka qaar sida sarkaalka sare ee maaliyadda , sarkaalka sare ee maamulka , xisaabiyaha sare iyo maareeyaha sare ee tasiilaadka ay soo codsadeen dad badan sidaas awgeedna ay waaxdu tixgelin gaar ah siisay dadka hadda matalaadda ugu yar ku leh waaxda.
Lilian Obuo waxay intaasi ku dartay in ujeedkoodu uu yahay inay shaqaaleysiiyaan saraakiil xirfad leh oo ka soo jeedo dhammaan 47-da ismaamul ee ay Kenya ka kooban tahay oo ay ka mid yihiin bulshooyinka ku dambeeya dhanka horumarka iyo naafada.
Turxaan bixinta ayaa la sameyn doonaa inta u dhexeysa 25-ka ilaa 28-ka bishan Afaraad.