Nuurdiin Xaaji oo amar ka soo saaray hantida Paul Mackenzie

0
402

Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa ciidamada ammaanka ku amray inay la wareegaan hantida baadariga kaniisadda Good News International ee ismaamulka Kilifi Paul Mackenzie.
Tani ayaa qayb ka ah baaritaannada lagu sameynaya baadariga ka dib markii ku dhawaad 100 qof ay u dhinteen talo uu siiyay oo ahayd inay cuntada iyo biyaha ka af xirtaan ilaa iyo ay ka geeriyoodaan si ay ula kulmaan nabi ciise.
Dhibaatadan ayaa ka dhacday keynta tuulada Shakahola oo u dhow deeganka Malindi ee ismaamulka Kilifi.
Nuurdiin Xaaji ayaa sheegay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in eedeysanaha uu gaystay dembiyo culus oo ay ka mid yihiin balse aan ku koobnayn dil , argagixisannimo iyo xagjireyn halis ku ah amniga qaran iyo badqabka shacabka iyo inuu dad isu keenay , kula taliyey oo uu ka caawiyey inay is dilaan.
Xaaji ayaa xusay in tallaabooyinkan ay liddi ku yihiin xeerarka dastuuriga ee dalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in marka baaritaannada socdo la soo gabagabeeyo in dacwad lagu soo oogi doono cid kasta oo ku lug leh falalka ka dhacay Shakahola oo uu ku tilmaamay kuwo wuxushnimo ah.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Prof.Kithure Kindiki ayaa dhankiisa soo jeediyay in baadariga lagu soo oogo dacwad la xiriirta argagixisannimo iyo inuu xasuuq gaystay oo la soo taago maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da.