NTSA oo soo saartay wargelin ku aaddan qaadashada taargada baabuurta

0
393

Maamulka qaran ee gaadiidka iyo badqabka dhanka waddooyinka ee NTSA ayaa dhamaan milkiilayaasha gawaarida ee farriimaha wargelinta ah loo soo diray u sheegay inay la wareegaan taargooyinka baabuurtooda.
NTSA ayaa maanta bayaan ku sheegtay in shakhsiyaadkan laga doonaya inay tagaan xarumihii ay qoreen markii ay codsiyada gudbinayeen.
Bishii Shanaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii la billaabay nidaam cusub oo lagu soo saaraya taargada baabuurta si looga hor tago khiyaanada .