NTSA oo berri xusaysa dhibanayaasha waddooyiinka

0
79

Maamulka Qaranka ee u qaabilsan Gaadiidka iyo Badbaadada waddooyiinka (NTSA) ayaa Axadda berri ah hoggaamin doonta xuska guud ahaan dalka oo dhan ee Maalinta Xuska Adduunka ee Dhibanayaasha Gaadiidka Waddooyinka, iyadoo munaasabadda ugu weyn loo qorsheeyay in lagu qabto magaalada Eldoret iyadoo cinwaan looga dhigay “Hibada Luntay.”
Maalinta xuska sanadlaha ah, oo si caalami ah loo xuso waxaa lagu maamuusaa kuwa naftooda ku waayay ama ku dhaawacmay shilalka waddooyinka.
Madaxa NTSA ee Isgaarsiinta Shirkadaha, Antony Nyongesa, ayaa sheegay in mawduuca sanadkan uu ka tarjumayo khasaaraha weyn ee shakhsiyaadka xirfadlayaasha ah iyo kuwa ku dhintay waddooyiinka.
Laga soo bilaabo 1-dii bishii Janaayo ilaa 22-kii Oktoobar ee sanadkan 2025, Kenya waxay diiwaangelisay 3,890 dhimasho waddo ah, marka loo barbar dhigo 3,805 intii lagu jiray isla muddadaas sannadkii 2024.
Dhimashada waxaa ka mid ah 1,460 qof oo lugeynayay, 351 darawal, 378 rakaab ah , 57 baaskiil wadeyaal ah, iyo 1,000 wadayaal mootooyiin ahaa.