Hay’adda gargaarka baniaadannimo u fidisa qaxootiga ee NRC ayaa dalbatay in si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha ka taagan marinka Qaza ee dalka Falastiin iyo weerarrada aan kala sooca lahayn ee loo gaysanaya rayidka.
Waxaa baaqan soo saartay agaasimaha NRC ee Falastiin Caroline Ort.
Waxay sheegtay in beesha caalamka ay ku fashilantay ka hor tagga awoodda xad-dhaafka ah ee loo adeegsado shacabka Qaza.




