War kasoo baxay taliska Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in Madaxda Qaranka ay siiyeen warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan Al-Shabaab oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee Hay’adda NISA ayaa lagu soo bandhigay Magaca Shaqsi ay sheegeen in uu wado qorshaha fulintaas, islamarkaana ay ku raad joogaan.
Bayaanka ay hay’adda NISA soo saartay hoos ka akhriso:
Waxan Madaxda Qaranka siinay warbixin ku saabsan khatar ay malegayaan Maafiyada AS oo ay rabaan inay ku beegsadaan Madaxwaynaha & R/Wasaaraha Qaranka. Maxamad Mahir oo ah dhagarqabe sare oo AS ka tirsan ayaa wada fulinta qorshaha. Dabagal ayaan ku haynaa cid kaste oo ku lug leh. pic.twitter.com/sLUpOKLhMl
— NISA (@HSNQ_NISA) April 5, 2022
Warkaan kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa daba socda xilli dhawaan Ra’iisul Wasaaraha uu sheegay in ay u soo hanjabeen raggii dilay Ikraan Tahliil sidoo kalena ka dambeeyay qorshihii lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamad oo ka tirsaneyd Baarlamaankii 10-aad ee dalka Soomaaliya.
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Siyaasiyiin ka mid ah mucaaradka ayaa ka falceliyay qoraalka NISA, iyaga oo muujiyay shaki xooggan.