Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday Kurt Westergaard oo horaan sawirro uu ku sheegay Nebi Maxamad (NNKH) wargeys ku daabacay.
Waxaa uu u dhashay dalka Denmark, isagoona ku geeriyooday da’da 86.
Qoyskiisa ayaa warbaahinta dalka Denmark u sheegay in uu u geeriyooday xanuun in muddo ah uu la daala dhacayay.
Ninkan ayaa ku takhasusay sawir gacmeedka, isagoona howshan bilaaway 1980-.
2005-tii ayay ahayd markii uu wargeys ku daabacay sawir gacmeed uu ku sheegay Nebi Maxamad (CSW).
Waxaana arrinkaasi aad uga carooday Muslimiinta caalamka, iyadoona safiirrada dalalka Muslimiinta ah u fadhiya Denmark ay cabasho u gudbiyeen dowladda dalkaasi.
Bishii Labaad ee sanadkii 2006-dii ayaa banaanbaxyo ka dhaceen dunida kale ee muslimiinta islamarkaana looga soo horjeedo falkii uu ninkan sameeyay.
Dibadbaxyadii ayaa rabshado isu beddelay, Iyadoo la weerarray safaaradaha Denmark iyo Norwey waxaana lagu dilay tobanaan qof.
Waxaa uu dhowr jeer ka badbaaday iskuday dil, isagoona aad loo ilaalin jiray.
Waraysi uu bixyay sanadkii 2008-dii ayuu ku sheegay in uusan ka qoomamyn doonin sawirka carada dhaliyay.
Waxaa uu intaa daray in sawirka uu dhaliyay dood muhiimah oo ku saabsan kaalinta Islaamka uu ku leeyahay dalalka Galbeedka ee aaminsan calmaaniyadda.
Waxaa uu ahaa farshaxan yaqaankii ka dambeeyay 12 sawir oo lagu soo bandhigay wargeyska Jyllands-Posten .