Maamulka degmada Walaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa ka warbixiyey kiiska nin xaaskiisii hore oo afar carruur ah haysatay dilay oo isna la toogtay markii uu dagaallamay.
Ninkan oo qori sitay ayaa dhowr xabadood si bareer ah ugu dhuftay gabadha oo isla goobta ku geeriyootay, waxaana la sheegay inuu ka maseyray gabadhaan ilmaha u dhashay oo horay ay u kala tageen.
Waxaa uu ninkan iskudayay inuu baxsado. Ciidamada booliiska degmada Walaweyn iyo ehelkii gabadha la dilay ayaa raacdeystay, wuxuuna diiday inuu is dhiibo islamarkaana uu dagaallamay.
Ismaaciil Xaaji Mukhtaar Gacma dheere, guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada degmada Wanlawayn ayaa bogaadiyay dadaalka ciidamada.
Waxaa uu sheegay in ninkaas in la dilo aan lagu talo gelin, balse uu ku dhintay israsaaseyntii dhexmartay isaga iyo ciidankii lagu amray inay soo qabtaan.
Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya in ninkaas uu si daran rasaas ula dhacay gabadha ilmaha u dhashay, mana jirto cid si faahfaahsan uga hadashay sababta dilka keentay, inkastoo xubno qoyska ka mid ah ay sheegeen inuu maseyray.