Nin u hanqal taagayay jagada wakiil deegaan hoose oo lagu dilay Kisii

0
720

Waxaa lagu soo warramayaa in mid ka mid ah musharrixiinta doonayay inay u tartamaan xilka wakiilka degmada hoose ee Mombaba ee ka tirsan deegaan baarlamaaneedka Bomachoge Borabufor ee ismaamulka Kisii la xaqiijiyay inuu geeriyooday, ka dib markii ay weerareen dabley aan wali la aqoonsan.
Musharraxan oo lagu magacaabi jiray Thomas Ontweka ayaa doonayay inuu jagadaan ugu tartamo isagoo adeegsanaya tigidhka xisbiga ODM ee codeynta guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkaan.
Guddoomiye xaafadeedka goobta dhacdadan laga soo tabiyay Henry Magetto ayaa sheegay in dilka musharraxan uu yahay mid la xiriira siyaasad.
Thomas Ontweka ayaa u geeriyooday dhaawac culus oo soo gaaray, xilii lagu daweynayay isbitaal ku yaalla dowlad deegaanka Kisii.