Nin dhalasho ahaan ka soo jeedo Israa’iil ayaa lagu toogtay Waqooyiga Daanta Galbeed.
Magen David Adom oo 30 sano jir ayaa meydkiisa laga dhex helay baabuurkiisa .
Adeegga gurmadka caafimaadka ee Israa’iil ayaa sheegay in meydka ninkan lagu arkay dhaawacyo ka soo gaaray toogashada.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay meel u dhow magaalada ku taalla Waqooyiga Bari ee Daanta Galbeed ee Beit Lid.
Militariga Israa’iil ayaa horay u sheegay inuu billaabay howlgallo lagu baacsanaya koox weerar soo qaadday oo sidoo kale xirtay waddooyinka aaggaasi.