Nin saddex sarkaal oo booliis ah toori geliyay xilli ay isku dayaayeen inay xiraan

0
235

Saddex sarkaal oo booliis ah ayaa Arbacadii shalay ku dhaawacmay magaalada Makutano ee ismaamulka West Pokot, ka dib markii nin eedaysane ah oo mindi wato uu weeraray intuu iska caabinayay in la xiro.
Weerarka ayaa ka dhacay xaafadda Joyland ee Makutano, ka dib markii dadka deegaanka ay booliiska u sheegeen nin dhib ka wado magaalada. Booliiska ayaa si dhaqso ah u tagay goobta oo isku dayay in ay xiraan eedeysanaha.
Saddexda sarkaal ee dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka Kapenguria, halka eedeysaneha la qabtay oo hadda gacanta lagu hayo.
Dhibanayaasha ayaa la xaqiijiyay in xaaladdooda caafimaad tahay mid deggan iyadoo laba ka mid ah la daweeyay oo la sii daayay, halka sarkaal kalena uu wali ku jiro isbitaalka.
Weerar ama iska cabin xariga booliiska inta ay wajibaadkooda gudanayaan ayaa ah dembi marka la eego Qodobka 103-aad ee Sharciga Adeegga Qaran ee Booliiska, waxaana ciqaabtu noqon kartaa ganaax ilaa 1 milyan oo shillinka dalka ah, xabsi ilaa 10 sano, ama labadaba.