Nin qabsaday baraha bulshada ka dib markii uu aargoosi ahaan u dilay Mas

0
427

Nin Beeraley ah oo ku nool Tuulada Luoka, oo ku taal degmada Sigomere ismaamulka Siaya ayaa maalmihii la soo dhaafay si weyn u qabsaday baraha bulshada ka dib markii uu ka sheekeeyay dhacdo naxdin leh oo uu kala kulmay mas weyn.
Ninka, oo lagu magacaabo Charles Otieno ayaa sheegay in eeygiisii u ilaalinayay beertiisa uu ka dilay mas aad u weyn isagoona sido kale sheegay in uu dagaal adag kala kulmay maska ugu dambeyna uu ka takhalusay.
Waxaa uu isku xiray eeyga iyo maska isagoona geeyay saldhiga booliiska Madungu si uu uga dacwoodo maska.
Laamaha ammaanka ayaana la argagaxay dhacdadan.
Waaxda adeega duurjoogta ee dalka KWS oo ka hadashay dhacdadan ayaa sheegtay in Charles Otieno uu gacmihiisa ku qaatay sharciga isagoona dilay maska baddelkii uu ku soo wargalin lahaa.
Tan ayaana keentay walaac cusub oo ku saabsan isku dhacyada sii kordhaya ee aadanaha iyo duurjoogta ee ka jira tuulooyinka miyiga.