Nin naftiisa ku waayay inuu dukaan dhaco

0
276

Waxaa ay dhacdo layaab leh ka dhacday magaalada Mwingi ee ismaamulka Kitui, ka dib markii nin isku dayay inuu jabsado dukaan uu ka soo dhacay saqafka sare ee goobtaasi ganacsi oo lagu iibinayay agabka elektarooniga ah oo uu doonayay inuu kor ka soo galo.
Kaamirada duubta muuqaallada qarsoon ee CCTV ayaa laga dhex arkay ninka tuuga ah oo saaran saqafka sare ee dukaanka isagoona ugu dambeyn ka soo dhacay taasi oo uu noloshiisa ku waayay.
Booliiska oo goobta gaaray, ayaa xaqiijiyay dhimashada shakhsigan oo madaxa dhulka ku dhuftay taasi oo sababtay geeridiisa.
(Been ma ahan markii la yiri “Hunguri wad ma arko”.