Nin muuqaal ka duubay xaaskiisa oo is dilaysa oo xabsiga la dhigay

0
344

Saraakiisha booliiska ee ismaamulka Nairobi ayaa xiray Michael Macharia Njiiri oo ku magacdheer DJ Brownskin oo ka mid ah dadka caanka ku ah madadaalinta.
Waxaa loo haystaa inuu muuqaal ka duubay xaaskiisa oo sun isticmaasho taasoo sababtay inay ugu dambeyn geeriyooto.
Eedeysanaha ayaa laga qabtay xaafadda Garden Estate ee deegaanka Kasarani wuxuuna wajahaya baaritaano ku aaddan inuu qof ka caawiyay inuu is dilo.
Waxaa uu hadda ku jiraa saldhigga booliiska ee Kasarani.
Xaaskiisa geeriyooday ayaa lagu magacaabi jiray Sharon Njeri waxayna ahayd 24 sano jir.