Nin loo xiray inuu la noolaa gabar ardeyad ah oo 17 jir ah

0
490

Nin 22 sano jir ah ayaa lagu hayaa saldhigga booliiska ee Kapletundo ee maamul hoosaadka Sotik ee ismaamulka Bomet ka dib markii la helay isagoo 2 maalmood gurigiisa ku heystay gabar 17 jir ah oo iskuul dhiganeysay.
Booliiska ayaa u dhacay gurigiga ninka oo ku yaala tuulada Kapkoitim, waxayna ka heleen tuhmanaha, Brian Koech oo xaalad halis ah kula jira gabadha.
Markii ay booliiska su’aalo weydiiyeen gabadha 17-jirka ah, ardayad wax ka barata dugsiga Kamungei Mixed boarding oo ku yaalo Sotik ayaa sheegtay in guriga loo diray Isniintii si ay u soo qaadato kharashka dugsiga, balse taa beddelkeeda ay toos u aadday guriga saaxiibkeed.
Booliiska ayaa baaritaan ay sameeyeen waxaa ay ka heleen dareeska iskuulka oo si qurux badan loogu qariyay sariirta hoosteeda halkaas oo labadoodaba loo galbiyay saldhigga booliiska si loo soo taago maxkamadda Sotik ka dib markii baaritaan caafimaad loogu sameeyay isbitaalka Kapkatet.