Nin loo xiray canug yar oo labadiisa indhood lagala baxay

0
356

Waxaa gacanta lagu dhigay eedeysanaha ugu weyn ee kiiska canug 3 sano jir ah oo labadiis indhood lagala baxay, ka dib markii la afduubtay.
Canuga yar oo lagu magacaabo Junior Sagini ayaa si arxaan darro ah indhiisa looga saaray, xilli ay soo weerareen tuhmanaha la qabtay iyo shakhsiyaad kale oo aan wali la aqoonsan.
Waxaa eedeysanaha la qabtay magaciisa lagu sheegay Alex Maina Ochoki, oo 26 sano jir ah.
Tuhmanaha ayaa waxaa gacanta ku soo dhigay saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Ochoki ayaa maanta ka soo hormuuqday maxkamadda sharciga ee magaalada Kisii, iyadoo saraakiisha DCI-da ay dalbanayaan in ninkaas xabsiga lagu sii hayo si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo.
Dhanka kale, hooyada dhashay wiilka yar oo lagu magacaaba Sagini Maureen Nyaboke oo 28 sano jir ah ayaa iyadana la qabtay, waxaana lagu wadaa in lagu soo oogo dacwad la xiriirta dayacaad carruureed.
Saddex tuhmane oo kale ayaa iyaguna su’aalo laga weydinaya dhibaatada loo gaystay ilmaha yar ee muluqa ah.