Nin loo haysto inuu dil ka gaystay Marsabit oo la xiray

0
291

Saraakiisha dambi baarista ee ismaamulka Marsabit ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Lolim Emojong Echakara oo ay da’diisu tahay 19 sano.
Waxaa loo haystaa inuu 22-kii bishan Diseembar dilay Maxamad Cabdi Jaldesa .
Ka dib markii uu falkan gaystay ayuu eedeysanaha durbaba billaabay inuu dhuumaalaysto.
Hasa ahaate ciidamada oo xog ka helay dadweynaha ayaa dabagal ku sameeyay ugu dambeyna ka soo saaray halkii uu ku dhuumanayay.
Waaxda DCI ayaa qoraal ku sheegtay in sidoo kale la soo helay mindi la rumeysan yahay inay tahay midii uu dilka u adeegsaday.
Tuhmanaha oo hadda xabsi ku jiro ayaa la filayaa in maanta maxkamad la soo taago si dacwad loogu soo oogo.